Qof waalidkeeda iyo walaalkeeda lagu hor dilay, hooyadeed-na lagu hor kufsaday , iyadiina afduub loo kaxeystay,caruur si sharci darro ah looga dhalay ( qiso xanuun badan).
Qof waalidkeeda iyo walaalkeeda lagu hor dilay, hooyadeed-na lagu hor
kufsaday , iyadiina afduub loo kaxeystay,caruur si sharci darro ah looga dhalay
( qiso xanuun badan).
Waayihii Colaada Soomaaliya (1991-1994) ayey qisadani ka dhacday degmada
Xamarweyne ee Muqdisho.
Qeybta koowaad .
Dhacdada 1-aad Bishii Agoosto ee sanadkii 1994-kii ayaan gaari ku kulanay gabar
safar aheyd oo dooneysay in ay gaarto dalka Kenya iyadoo dooneysay in ay ka
gududbto dhinaca Baardheere, hase yeeshee anigoo safarka gabadhaasi la wadaagay
inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ayaan kala sheekeystay xaalad aan la
yaabay ka dibna go’aansaday in yaabkaasi layla qeybsado, ka dibna markii aan
Baydhabo gaarnay waxaan ku degnay isku guri, taas oo ii sahashay in aan gabadha
ka wareystay waxa ku dhacay waxeyna iiga sheekeysay qiso layaab leh oo xasuus
iyo xanuun badan.
Gabadhan oo aanan wax fasax uga heysan in aan magaceeda qoro, haatana aanan
ogeyn meesha ay joogto darteed, magaceeda ma xusayo, laakiin sheekadeedii oo
markii ay iiga sheekeysayba ii fasaxday in aan qori karo ayaan go’aansaday in
aan qoro, waxey ku bilaabaysaa sidatan.
Waxaan ahaa 16 jir markii uu dagaalka ka qarxay magaaladda Muqdishu, waxaan ahaa
gabar maqabiyo ah oo aan gurigooda ka soo bixin ilaa markii aan jirey 7 sano,
waxaana ka koobneyn 6 caruur ah oo ila dhalatay iyo hooyo iyo aabe, reerkeena
waa uu ladnaa oo waxaa lahaan jirnay dhawr dukaan oo ku kala yaaleen inta u
dhaxeysa Ceelgaabta iyo Hotel 900 (Bar Noba Jante), ee agagaarka Masjidka
Marwaas, markii ay dagaaladda dhaceen, oo dhibaatada badan loo geysanayey dadka
aan beelahooda hubka heysan wuxuu qoyskeegii noqoday mid ka mid ah qoysaska
dhibaatadii ugu balaarneyd loo geystay hadimada nasiibka u yeeshay.
Xilli galab ah ayaa waxaa gurigeena, oo ahaa sedax dabaq kuna yaalay agagaarka
Koodka, noogu soo galeen koox maleeshiyo ah oo ka kooban ilaa 10 qofood, waxey
irrida banaankeeda ka soo bilaabeen in ay xabado guriga ku soo ridaan,
dhinacyadana waxey u ridayeen xabado kale, Ilaahooow Na Badaadi, waxaan na soo
wajahday cabsi tii ugu darneed, waxaan galnay welwelkii ugu weynaa adduunka,
maleeshiyadii 5 ka mid ah ayaa markiiba guriga horey u soo galeen, 5 tii kalana
banaanka ayey ku sugaayeen si ay difaac ugu sameeyaan kuwa guriga soo galay, ugu
horeyn waxey baas ku fureen walaalkeyga oo ahaa da’da kaliya oo iga weyn,
curadka aabeheey ahaa, balse aysan hooyadeey dhalin, si xun ayey u dhaawaceen
isagoo dhiig baxaaya ayuu kushiinka aktiisa ku rafanayaa, ka dibna hooyadey ayaa
naxdin dhulka a dhacday, waana isku dhax yaacday waxey shegeyso iyo wax kale
ayeyna ku wareertay.
Kooxdii waxey qori baadkiisa ku garaaceen aabe, waxeyna waydiiyeen inuu sheego
meesha lacagta keydka iyo dahabka ugu jiraan, aabe si uu naftiisa u badbaadiyo
ayuu u sheegay meelihii wax keyd ah noogu jireen oo dhan, waloow ay tuugadaasi
arxanka darnaa ay aabeheey ka qaateen dhamaanba furayaashii, ka dibna gurigii oo
dhan faagteen dhaceenna in ka badan $60,000 Kaasha ah iyo dahab kiilaad ah,
hadana kuma aysan qancin oo waxey aabe ku cadaadiyeen inuu sheego lacag iyo
dahab kale, markii uu u sheegay in aysan jirin meel ay wax lacag ama dahab ah
ugu jiraanna waxey ku yiraahdeen Ashahaado, markii uu ashahaatayna ………oohin ………oohin
…… waa ay dileen, waxey xabada kaga dhufteen wejiga iyo caloosha, ka dibna
isagoo rafanaayo ayey ka dhaqaaqeen anigiina I kaxeesteen.
Inta ay qeyb tuugada ka mid ah ay dilayeen aabaheey, qaar kale waxey faraxumeyn
ugu dhaqaaqeen hooyadeey, anigiina inta indhaha garbasaar aan watay la iiga
xiray ayaa lay saaray gaarigii ay tuugada saarnaayeen oo hoos yaalay, waxeyna ii
sheegeen in aanan hadli Karin, hadii aan ooyana ay i dilayaan, ………oohin………qof
waalidkiisa la dilay, walaakiis la dilay, hooyadii hortiisa lagu faraxumeynayo
isagana afduub gaari loo saartay sababta uu u oyn waayo anigu ma garaneyn,
laakiin oohintii oo aan ceshan waayey darted waa yara miir beelay, waxaana ku
dhacay gaarigii sagxadiisa.
Dhamaanba dadka deriska ah waa ay ogaayeen waxa nagu dhacaya, mana jirin qof wax
gurmad ah noo sameeyay, waloow ay jireen dad ka xun waxa nagu dhacaya, hadana
nooma aysan arwaaxi Karin……Ooohin……Oohin……Ilaah baa arxan ku filan.
Aniga sidii la ii waday waxaa lay geeyey guri weyn oo meel walba ay ka fadhiyaan
tuugadda loo yaqaano mooryaanta, waxaana la ii sheegay in saacadaas laga bilaabo
aan afduubanahay, xitaa ma fahmi Karin waxa loola jeedo Afduub, waayo Af
Soomaaligaba dhib ayuu igu ahaa, waayo maqabiyo aan dadka la sheekeysan oo
keligeed qol ku jirta ayaan ahaa.
Markii gurigii lay keenay, waxaa bilaabatay shuuxshuux iyo in faraha laygu soo
taagtaago, qaar aa bilaabeen in ay dhahaan (Caawo Gaal aa god iigu jiree garuun
haleykeeno) waxaa la is weydiinayaa goorta kawaanka la I saarayo, dabley kasta
wuxuu jeclaan lahaa in mar uun uu maqlo waa la kufsanayaa si feelka dhiniciisa
uga soo galo, laakiin ninkii kooxdaasi tuugada madaxa u ahaa ee aahabeey dilay,
hooyadeey soo faraxumeeyey wuxuu go’aansaday inuu keligiis i heysto oo nimanka
kale aysan ii soo dhowaan.
Habeenkii ugu horeysay ee aan ka walwalsanaa sida xaaladeyda noqoneyso iyo waxa
ay reerkeyga ku sugan yihiin, meeydkii aabaheey meesha lagu aasay, walaalkey
inuu dhintay iyo inkale, hooyadeey waxa gaaray, ayaa anigiina waxaan wajahay
dhibaato weyn, balse waan is diyaariyey oo waxaan niyeystay in aan wajihi doono,
kufsi iyo dil.
Ninkii madaxa tuugada ahaa wuxuu meel dhigtay derin, wuxuuan so oak dhigtay bac
ay ku jiraan caws badan, wuxuuna igu yiri kaalay, markii aan u tagayna wuxuu ii
sheegay in aan xaaskiisa ahay, hadaan diidana uu i dili doono, isla habeenkii
ayuuna wuxuu igu amray in cawska oo ahaa Jaad uu cunaayey aan afka u gelgeliyo.
Hadalka ugu yaabka badnaa ee uu habeenkaas I dhahay wuxuu ahaa “Waan
geerasheeynaa” aniguse maba aqoonin waxa uu ula jeeday, in aan fahmi karina
isaga wuu ogaa, intuu igu qoslay ayuu I dhahay hadaadan garaneyn waa lagu baraa.
Aniga Jaadka waan la yaabanaa, waxaana is dhahay dadkaan waa reer baadiyeyaal
waxey cunaayaan cawska sidii xoolihii, laakiin maba dareensaneyn in jaadka uu
yahay wax lacag badan laga soo bixiyo oo suuqa lagu gado.
Isla habeenkii ayaa waxaa ii bilaabatay noloshii ugu mugdiga badneyd oo
adduunkaan uu ku soo maro qof bani’aadam ah, hase yeeshee wax walba amar
Ilaaheey ayey ku dhacaane, waan wajahay, waayo ma lihi awood ka weyn in wixii
sameey lay dhaho aan sameeyo.
Nolosheyda waxey soo martay dhawr weji oo aad u xanuun badan.
Qeybta labaad .
Iyadoo ay dhibaatadaasi jirto ayaa waxaa dhacday inuu bilaawday dagaalkii afarta
bilood, markii uu dagaalkaasi socday muddo bil ah ayuu ninkii I heystay uu
taabsaday guri ay ka qaxeen dadkii lahaa oo gogoshiisa iyo alaabooyinkiisa
yaalaan, ka dibna wuxuu i geeyey gurigii, wuxuuna ii sheegay in xaaskiisa aan
ahay, meeshii ayaana ku dhalay wiilkeyga curadka ah ee aan meherka ku dhalan
balse uu aabihii joogo.
Inta aan umusha ku jirey ayuu ninkii maalin maalmaha ka mid ah wuxuu guriga
keenay qeyb ka mid ah dahabkii hooyadeey, wuxuuna ii sheegay inuu aniga ii soo
gaday, aniga dahabka waan aqaanaa inuu keenii yahay, laakiin isaga sida uu marba
reer u dhacaayey wixii ayaa isaga qasmay oo maba kala oga sida ay kala yihiin.
Dahabkaasi neef weyn ayuu iga keenay oo intaan qeyb ka mid ah iibiyey ayaan
markii uu guriga ka maqan yahay ku soo gadan jirey rooti iyo moos iyo wax la mid
ah si aan wax xalaal ah u arko, oo dhuunteyda u maraan wax uun xalaalnimadooda
aan ogahay.
Habeen walba ninka wuxuu iiga sheekeyn jirey inta dhibaato oo uu soo geystay,
wuxuu iiga sheekeyn jirey sida ay dadka u dilaan, sida ay wax u dhacaan, iyo
sida ay u wiideestaan wax ay dhacayaan iyo dadka ay afduubaan, anigase shidada I
heysay qeyb ka mid ah uun bey ii aheyd arrinta uu iiga sheekeynayo habeen walba,
mar walbana waxaan filanaayey in saacadaha soo socda mid ka mid ah uu I dili
doono.
Inta aan xaaska guriga joogo ahaa, waxaa damcay in aan raadiyo xaaladda
reeraheena, laakiin intuu dareemay ayuu I saaray cadaadis badan, la iima ogoleyn
in aan guriga ka baxo oo markii uu guriga ka baxaayo wuxuu igu xiri jirey
silsilad weyn deriska wuxuu ugu sheekeyn jirey in aan ahay naag saaqidad ah oo
isaga diideysa uuna aabaheey igu daray, anigiina dadka waxba uma sheegi karo oo
isagii ayaan ka baqayaa oo ii ogoleyn in aan qof la hadlo, haduu I mehersan
lahaa waxaa ii sahlanaan laheyd in aan isaga la hadlo oo derbiga nagu hor gudban
ee cadaawada ah aan ka talaabo, laakiin nin og inuu afduub igu heysto hadaan ku
dayo jiljileec wuxuu u fahmi karaa inaan qorshe damacsanahay sidaas ayuuna igu
dili karaa, deriska oo dhan wuxuu ii tusay in aan qof xun ahay, isagiina way
yaqaanaan inuu yahay Mooryaan weyn oo Allow imooti lagu ak maro……oohin……oohin.
Sidaas anoo ku jira ayaan ku dhalay sedax caruur ah oo mid tahay gabar, labana
yihiin wiilal, welina ninkaasi ma go’aansan inuu marna i soo mehersado,
reerihiisana gurigeyga ma imaan jirin oo aabihiis wuu dhintay, Hooyadii gobal
kale ayey ku nooleyd, walaalihiisana sida uu igu heystay ayeyba raali uga
ahaayeen oo maba ii dhaami jirin isaga isku feker ayey ka ahaayeen arrimaheyga,
noloshaasna waxey aheyd mid aan la qabsaday oo aan ku dulqaatay in badan
go’aansadayna in aan isaga jiro inta uu Ilaah faraj qeyr leh iiga furaayo.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa ninkeyga Xaaraanta ………oohin…… oohin…… isagoo
wata kooxdiisa ma naxayaasha wuxuu weerar ku qaaday gawaari jaad siday si ay u
dhacaan, gawaaridii waa ay dabsaareen, waxey ku dileen ilaa 8 qofood oo haween
dan yar ah u badan, haseyeeshee ilaa in muddo ah uma aysan suuro galin in
gawaarida dhacaan oo maleeshiyooyin jaadkaasi galbinayey ayaa iska difaacayey.
Waloow tuugadii ninkeyga ay ku guuleysteen in ay soo dhacaan hal gaari oo jaad
ah, hadana waxaa laga soo diley laba maleeshiyadii ka mid ah, jaadkii la soo
dhacayna waxaa la keenay gurigii aan deganaa, sidii ayeyna damaashaad ku
bilaabeen oo jaadkii qeybna guriga qol ka mid ah jawaanadiisa kula raseeyeen,
qaarna intay la soo baxeen ayey cunis ku bilaabeen.
Qeybta Sadaxaad.
Nolosha qaraarka iyo macaanta isku darsatay waxey igu aheyd markii anigoo
ninkeygii xoogga igu heystay afka jaadkii uu soo dhacay u gelgelinaayo nalagu
soo weeraray gurigii aan deganeyn, waxaa na soo weerareen kooxo hubeysan oo
jaadkii laga soo dhacay daba socda, dhinac walba gurigii aan ku noolaa waxaa
kaga soo bilaabatay rasaas ka soo dhaceysay qoryaha nooca fudud iyo kuwa waaweyn
ee darandooriga u dhaca.
Markii ay rasaasta is qabsatay, waxaa soo xasuustay maalintii lay soo
afduubaayey, taroomadii ayaa igu soo kacday, cadaabta adduunka ayaan dareemay,
waxaan ku sigtay in aan waasho, mar qaylo ayaan bilaabaa, hadana waan aamusaa oo
ninkeygii iheystay oo dagaal ku jira in aan ku qayliyana waxaan ka baqayaa inuu
intuu igu xanaaqo i dilo.
Waxaan bilaabay in marba caruurta mid ka mid ah guriga dhaxdiisa kula carcararo,
ugu dambeytii waxaa yara qabowday rasaastii, waxaana arkay iyadoo kooxo hubeysan
oo aanan aqoon u laheyn ay gurigii soo galayaan, waxaan ogaaday in dhamaanba 14
istaafka ahaa ee guriga joogeen ee ninkeyga saaxiibadiisa ahaayeen intoodii
badneydna la dilay qaarna iyagoo dhaawac ah ay banaabka guriga iyo gudahaba
yaalaan, qoryihiina laga wada qaatay.
Waxaa guriga daaradiisa loogu soo galay ninkeygii aan la heystaha u ahaa oo
isagiina markey rasaastii ka dhamaatay qoriga intuu sariirta hoosteeda ku tuuray
doonaya inuu iska dhigo inuusan dagaalameyn, si uu isu badbaadiyo, laakiin
waxaan lagu amray inuu gacmaha kor u taago soona baxo banaanka.
Nimankii hubeysnaa oo aad u careysnaa waxey ninkeyga waydiiyeen inuu sheego
meesha uu geeyey jaadkii, isagoo aad baari u ah ayuu tusay meeshii ay jaadkii ku
xareeyeen, dhawr jawaan oo jaadka ahna horey ayeyba u cuneen.
Markii jaadkii lagala wareegay ayaa haddana laga qaatay dhamaanba wixii qoryo
ahaa ee guriga yaalay oo ay ka mid ahaayeen 2 dabajeex iyo 13 kuwa yaryar ah, ka
dibna nimankii waxey bilaabeen in ay dhameytiraan qaar ka mid ah
maleeshiyooyinkii dhaawaca ahaa oo cabaadayeen, ugu dambeyntii inta aysan
gawaaridoodii fuulin ayey ninkeygii ku dhufteen xabado aad u badan, horteydii
ayey ku dileen, waxeyna igu yiraahdeen “haduu in badan kaa qosolsiiyey manta ku
dul ooy”.
Anigii waxaan bilaabay in aan ku dul baroorto, waa cusub ayaa igu baryey oo maba
jirin qof aan isaga aheyn oo aan aqaano, muddo afar sano oo aan laheyste u ahaa
isagaan bartay oo uun kale isma arkin, marmar in aan naagtiisa oo run ah ahay
ayaan u maleyn jirey, waxaase nasiib iyo nasiib daro is biirsaday ahaa in
meydkiisa lay hor dhigay oo sidii uu aabahey iigu hor dilay isagiina la iigu hor
dilay ……oohin…oohin.
Mar waxaan ku farxay inuu Ilaah ninkii aabahey igu hordilay i tusay isagoo
horteyda lagu dilaayo oo waxaan ku farxay inuu Ilaah faraj ii furayo, waayo
dhibaato kasta oo igaartay isagaa ka masuul ahaa, marna waan murugooday oo meel
aan u ciirsi doonto ma aqaano oo xitaa deris ii garaabayo ma jiro oo waxaa la ii
arkaa naag iskiifo ah mooryaanta la nooleyd, guri dad leeyahay xoog ku deganeyd,
mugdi hor leh ayaa i hareeyey, meel aan talo ka bilaabo ayaanan garaneyn maahee
farxad iima taalo ninka aktiisa, noloshii fasahaadka ayaa soo afjarmeysay, hase
yeeshee dilkiisa xitaa hadaan ku farxay wuxuu ii ahaa “meeshii cir laga filaayey
ayey ceeryaamo iiga timid” oo meel aan talo ka bilaabo ma aqoonin.
Markii kooxdii ninka dishay ee intii maleeshiyo aheyd ee guriga joogtayna
dhameysay ay naga tageen waxaa gurigii yimaadeen kooxo kale oo gurmad u ahaa
ninkaan la heystaha u ahaa iyo mooryaantiisa la laayey.
Iyagiina waxey aruuriyeen meedadkii, waxey qaadeen dhaawicii isbitaal ayey
geeyeen, gurigii waxaa uu noqday meel qof iyo qori ah oo ay isugu soo uruureen
qoladii geesigoodii dilaaga ahaa laga dilay.
In badan oo asxaabta ninka ahaa waa ogaayeen inuusan I qabin oo uu xoog igu
heysto, waloow ay ku feker ahaayeen oo aysan weligood dhihin gabadhaan islaameed
iska fasax ama meherso, markii uu dhintayna kuwa gurmadka soo sameeyey ayey ka
mid ahaayeen, waxaan ka baqay in ay I soo damcaan oo ay dhibaato hor leh igu
dhacdo dhimashadiisa ka dib.
Mabeenkii waan fekeray, inta ay dadka ku mashquulsanaayeen tacsida ayaan waxaan
is weydiiyey dhawr su’aalood.
Waxaan is dhahay MASHEEGTAA OO MA DHAHDAA HEBEL IMA QABINE XOOG AYUU IGU HEYSTAY,
hadana waxaan is dhahay dadkaan careysan hadaad warkaas la hor timaado qof
dhimashadiisa ku faraxsan ayey kaa dhigayaan waana ku dilaayaan.
Hadana waxaan is weydiiyey SIDEED NAFSADAADA UGA BADBAADISAA DHIBAATO KALE OO KU
TIMAADA, ka dib waxaan go’aansaday in aan iska dhigo marwo la qabay oo dhaho
Hebel waan is qabnay, waxaan is mehersanay markii uurkii cunugii ugu horeeyey
aan qaaday, si aan u qiro in markii hore xoog laygu keenay ka dibna lay
mehersaday oo aan marwo noqday, sidaasna assaay been ah ku qaado, TABTA keliya
ee aan u dareemay in aan kaga badbaadi karo in aan mooryaan kale gacantiisa galo
ayaa taas noqotay.
Subixii dambe ee meydadkii la aasayey ayaa odey reerkii ninka ka mid ahaa I
weydiiyey gurigaan yaa lahaa, waan u sheegay dad ka cararay ayaa lahaa ayaan
dhahay, ka dibna waxaa lay dhahay hantida dhax taala ee alaabooyinka ka mid
yihiina? Waxaan ku jawaabay isla reerkii guriga ka cararay ayaa lahaayeen.
Intaas ka dib waxaa la go’aamiyey in gurigaas layga raro, biilna meel la ii
saaro inta aan asaayga wado, sidii ayaan ku noqday marwo assaay reer u sida oo
la yara tixgelinaayo.
Biil ayaa meel la ii saaray, waxaana maalin walba u tagaa dhalinyaro meel jid ah
fadhida oo baabuurta lacag ka aruurineysa, aniga waxaan u heystay wax caadi ah,
laakiin maalin baa anoo lacagtii meesha ku sugaaya waxaa arkay odey adeerkey ah
oo jidka maraaya, adeerkey waa uu naxay markii uu i arkay, waxaan dhahay adeer,
ka dibna wuxuu i dhahay adeerkaa ma ihi, waan isu eknahay adeerkaa.
Aniga waxaa isku dayayaa in aan la hadlo, oo waa maalintii iigu horeysay oo
indhaheyga ay arkaan qof ehelkeyga ah tan iyo markii lay soo qafaashay, waxaana
rabaa in aan adeer wareysto oo reerihii warkoodii ka helo isaga wuxuu isleeyahay
naagtaan isbaarada taagan armey ku shirqooshaa, nimanka aan la taaganahay oo uu
ogyahay wixii ay nagu dhigeen ayuuba igaaga xanaaqsan yahay.
Adeerkey waa iga orday, laakiin kama aanan harin, ugu dambeyntii waxaan daba
socday ilaa meel dheer oo aan aheyn jidkii ay dhalinyarada lacagta aruurineysa
aan biilka kaga soo doonan jirey ayaan sidaan u baryaayey ……oohin ……uu ugu
dambeyntii ii istaagay, waan isku duubay, waan ku ooyey, ka dibna waxaan u
sheegay xaalkeyga iyo nolosha aan ku jiro, adeerkey waa shakiyey geesaha ayuu
iska eegeegay, wuxuu arkay wiil la dhashay ninkii iga dhintay oo marka aan
biilka soo doonanaayo I soo raaci jirey, ka dibna wuxuu igu dhahay ninkaas maxaa
waaye, waxaan dhahay waa kuwa I heystaan, ka dibna wuxuu I dhahay bax beri inta
iigu imaaw isagoo aan qof kula jirin, markaas ayaan kuu waramaa.
Maalintii kale markii aan adeer arkay ayuu ii sheegay in aabe uu dhintay, hooyo
ay xanuusatay, walaalkey dhaawicii muddo ka dib u dhintay, reerkiina loo raray
Yaman.
Anigana waxaan uga sheekeeyey xaalkeyga, ka dibna waxaan ku balanay in aan mar
walba kulano, si aan uga sheekeysano wax badan, waxaana ku balanay inuu
gurigiisa I soo tuso si aan marmar dhuumasho ugu tago oo xaalada reeraha ula
socdo.
Adeerkey maalin maalmaha ka mid ah wuxuu I weydiiyey sida aan ugu dhaxjiro
noloshan baas ee shidada badan, wuxuuna I dhahay isbaaro biilkeeda sideed u
qaadaneysaa, isbaaro waxa loola jeedo isagaa i fahamsiiyey ……oohin…… ka dibna
wuxuu i dhahay sideed jeceshahy oo aan kuu sameeyaa?
Adeer waxaan ka codsaday inuu ii diro meeshii ay hooyadeey joogto, waxaana isla
garanay in aan si la igu fahmeyn u baxo oo aanan si bareer ah u bixin, sitaas
aan u dhaqan geliyana waxaan ku heshiinay in reerkii caruurtooda aan haayey aan
ka dhaadhiciyo in aan shaqeysanaayo oo qudaareey noqonaayo si aan u helo jaanis
aan ku safri karo.
Adeer hooyadeey ayuu taar ka wacay, wuxuu u sheegay inuu i helay, iyadiina
farxad ayey gashay, sidii ayaana la isku afgartay in aan ku fakado si
xeeladeysan.
Qeybta afaraad.
Arrintii iigu adkeyd go’aan ka gaaristeeda.
Waxa iigu yaabka badnaa in aan go’aan ka gaaro waxey noqdeen caruurtii aan
dhalay.
Marka koowaad sharci kuma dhalin, oo waxaan ku dhalay si qasab ah oo aan meher
sharci ahna loo soo marin.
Marka labaad ninkii aabaheey horteya ku dilay, hantideenii dhacay, walaalkey
dilay, hooyadeey faraxumeeyey ayaa iga dhalay oo meel ay gurigeena ka soo galaan
maba jirto.
Waxaan mar ku fekeray in gabadha oo ugu yareyd qaato, hadana waxaa soo xasuustay
dhibaatadii loo geystay reerkeyga iyo in ilmahaba ay yihiin qeyb dhibaatadda la
ii geystay ka mid ah oo reerkeenii ay ku ridi karaan cuqdo nafsi aan weligood ka
hareyn, waxaan is dhahay adeer makala tashataa, hadana waxaan is dhahay
weceladii ninkii xooga ku heystay oo ka dhalay ayey rajo kaleedahay amuu is
dhahaa oo kugu xanaaqaa.
Ugu dambeyn waxaan isku cadaadiyey in aan ……oohin……oohin…niyadda ka goosto oo
aan isaga tago oo dib dambena u sheegan in aan aniga dhalay, mar xitaa waxaan
isku dulmiyey in aan subaxa aan dhuuman doono habeenkeeda sun siiyo dhamaantood,
hadana waxaan ka baqay inuu Ilaah aakhiro dhiigooda ii qabsado.
Ugu dambeyntii waxaan go’aansaday in aan ilmaha ka tago markii aan go’aansado in
aan baxo, ka dibna sidii ayaa waxaan ku bilaabay qudaar iibis, igamana aheyn in
aan wax ka faa’iido ee waxey iga aheyd in aan jawiga ku fahmo si aan u bixi karo.
Hadda waan soo fakaday, waxaan u socdaa Kenya, ka dibna Mombasa ayaan rabaa in
aan doon ka raaco oo aan ku tagaayo Yaman, caruurtaasna hadii ay weynaadaan iyo
hadii kaleba waxaan ku soo dhaafay gabar booyeeso ah oo aan dhahay qudaar ayaan
doonaaye sii haay, hadeey dooneyso haka tagto ……oohin ……oohin…hadii kalana ha
heysato aniga jirkeygii qeyb ka mid ah oo hadana aanan noloshoodii farxad ku
qabin waaye, aduunkase in aan isku aragno ma jecli oo ilaah waxaan ka tuugayaa
inuusan nolol igu tusin caruurtaas, ilaah hana kala qariyo ……oohin……oohin.
Gabadhani waa gabar aad u qurux badan, laakiin ay ka muuqato in ay soo martay
dhibaato badan, xasuus xanuun badanna gocaneysay, inta aan kala sheekeysanayey
waxa ku dhacayna waa ay ooyneysay, aniga xitaa intaan is heyn waayey ayaan yara
dabcay oo illin ka masaxay isheyda, hadana waxaan sheekadan u soo bandhigayaa in
lagu waano qaato oo laga hortago taariikhda soo socota hadii ay shacabka soo
wajahdo masiibo la mid ah tii dhacday 1991-kii ee reebtay waayahani xanuunka
badan iyo walbahaarka nololedka ee gabadhan.

|