Username Password | Register | Lost password
Navigation
Radio
Click on a category to chose your favorite kind of radio

  • BBC Somali 04:00
  • BBC Somali 11:00
  • BBC Somali 14:00
  • BBC Somali 18:00
  • VOA 04:00 PM
  • VOA 07:00 PM
  • VOA 08:00 PM









Random media
Somali Links
African Videos8754
Banadir-city.com6730
Banadir24.com5604
Bclub19.com6811
Dayniile.com7009
Hamarey.com9119
Jowhar.com6242
Laasqoray.org998
Markacadey.net9911
Somali Music8626
Somali411.com6910
Somalifans.net6110
Somvid.com6050
Webld.net4187
Users Online
Guests Online: 28

Members Online: 0

Total Members: 725
Newest Member: baxar






Jaceylka hooyada iyo u duceynta labada waalid.
Iga raali ahoow .. hooyo macaan .. ma garaneynin xaqiiqda dhibaatooyinka ku soo maray markii uu allah kugu arzuqayay dhalaan cusub !! .

sidaa oo kale ayaanu nahay ..

Aqoon uma aanu laheyn qiimaha sheyga ilaa iyo markii la waayo!..
ma garaneynin waxyaabaha qaar xaqiiqdooda ilaa iyo inta aan ka tijaabiyo !..

sidaa ayaa u xaal ah kuwa badan oo aniga ila mid ah .

Hooyo qaaliyeey …

Waxaan kaa codsanayaa in raali gelinteyda aad qaadatid.

Uma maleyneynin xanuunka ku helay intii aad uurka igu siday iyo wixii aad la kulantay markii aad i dhashay .

Ma garan karo xanuunkii iyo daalkii ku helay intii aad uurka igu soo siday..
Waxaad indhahaaga ku aragtay geerida ..
Marar badan .. oo badan
ilaa iyo Allah uu kaa siiyo canug !..
waxaan sidaa ku arkay xaaskeyga ..
I cafi.. hooyo macaan raali noqo.

Hooyo qaaliyeey …

ii ogolow inaan ku xasuusiyo waxyaabaha qaar ay indhaheygu arkeen..
dhibka canugeyga yar iyo xaaskeyga kala heysta habeeno badan..
habeen waliba xaaskeygu waxa ay heshaa inyar oo hurdo degan kadib daalka badan ee howsha guriga ..
kolka ay madaxeeda barkinta saarato.. oo hurdada ay guda gasho..
si kadis ah …waxa ay ku baraarugeysaa oohinta inankeena oo qolka daafihiisa laga maqlo..
Hurdada ayey ka toostaa , waxayna ku qabataa laabteeda, waa ay dejineysaa si hurdadii uu ugu jiray uu dib ugu laabto..

Kadib hurdadii ayey ku laabataa …
Misana waxay si kadis ah markale ugu baraarugtaa oohinta canugeena..
Sidaa ayuu xaalkeedu yahay in kabadan saddex jeer ilaa iyo afar jeer halkii habeen..

Xilligaas ayaa hooyo macaan aan ku xasuustay..
ilinteydu wey qubatay..dhimrin iyo naxariistii aad ii sameysay awgeed..
Gacmaheyga ayaan sare u taagay oo allah u baryay labadeyda waalid..
Rabbow u naxariiso labadeyda waalid sidii anigoo yar ay ii soo barbaariyeen..

imisa jeer ayaan farxaa kolka aan agtaada fariisto..
waxaan ku nastaa hadalkaaga iyo ducooyinkaaga quruxda badan..
iyo sheekooyinkaaga i xasuusinaya maalmihii caruurtinimadeydii..
imisa jeer ayey farxadu i hareysaa.. markii aan damco inaan amaradaada fuliyo ..
waxaan allah ka baryayaa inuu cimrigaaga iyo cimriga aabahey uu ku dheereeyo camal suuban oo raali uu ka yahay ..
allow u naxariiso waalideenteena , kuwii dhalay iyo kuwii sii dhalay intaba , janadaada firdowsana guryo uga dhis … Aamiin

Hooyo … Aabe ..
Ma hayo wax kale oo aan abaalkiina ku gudo oo aan idinku sagootiyo..
Waxaan awoodaa inaan dhunkado madaxyadiina ,dhabanadiina iyo labadiina gacmood..

Balantiinaan oofinayaa … waanan idin wada jeclahay .
Allah idin dhowro – allah ammaanadiisa ayaad ku jirtaan.

W/diyaariyay : Ali Abdi Ali “Suheifa”
asuheifa@hotmail.com
Mogadishu-Somalia


Afaaro on March 12 2009 11:23:02 · 22 Comments · 10859 Reads · Print
Comments
#1 | mustafe qalbi on April 24 2009 05:35:34
hooyo macaaneey hooo la,aanteed lama noolan kareen sidii nabigu calayhi saltaatu walaame ee uu markii aa sadex jeer uu hoooda kucel celiey oo marki afaraadna uu aabo uu idhi markaas hooyadu waa qaali in hooyad abaalkeed lagdi karin la socoda waayo hooyo hadi aad tirahdoo abaalked gud in aad gudi karin la soco ...............
#2 | Naciima on May 02 2009 07:22:49
ilaahow rabiyoow raxmaanoow hooyadeey u naxariiso oo hooyadeed u naxariiso oo hooyo oo dhan u naxariiso'
hooyadu waa lama huraan wallahi billahi tolaahi hooyo xaq aad u weeyn ayeey illmaheeda ku leedahay .
taasna waxaad ogaataa markaad wax dhasho.
ilaahay labadeena waarid janada gee oo qabriga u aftiimi oo su'aalaha u fududee. aamiin aamiin aamiin yaarabi.
#3 | shukri on May 06 2009 08:26:42
Asc Hooyo. Hooyooy salaantan islaamka ee kor ku xusan baan kugu salaamay,Macaan badan Hooyo Abaalkaada ma gudi kari mana gudi kari waligeey. Allaah baan kaaga baryayaa in uu Abaalkaada Janatul Fardowsa uu ka dhigo, aduunkana nolol raaxo leh ubadkaagana uu baari cagaha kuu dhaqo kaaga dhigo Aamiin.....
#4 | muna on May 08 2009 17:03:15
hooyo waxan kugu salamay saalaan aad u qiima badan hooyo inta aad dunida joogto farxad iyo renren ayaan kugu ducaynayaa
#5 | IKRAAN on May 09 2009 17:41:06
hooyo waxaan ku salamay salanta islaamka hooyo waa lama huraan walaahi hooyo xaq aad u weeyn ayeey illmaheeda ku leedahay hooyo ilove u maaaaaaaaaaaaaac
#6 | sidow on May 13 2009 23:15:16
ky nohi com somali.boyz com
#7 | SAHRAZAAD on May 18 2009 19:13:14
HOOYO LA AANTAA ADUUNYADA HUBASHII HARAAD KAMA BAXDEENO IFTIIN LAMA HELEEN EE IFKA HIBO KU NOOLOOW AKHIRO HALKII ROON ILLAHOOW IIGU NAXARIISO JANATUL FARDOWSNA UGU BISHAAREE SIDEYNOOGU NAXARIISATEYNA UGU NAXARIISO CID ABAALKEEDA GUDI KARTAAN DUNIDA SAAREENE AMIIN
#8 | nuseyba on May 25 2009 16:36:27
hooyo macaanto ifka adigan ku jeclahay ilaaow waxaa jeceshahay aad heyo aduun iyo aqiro aamin aqirana´janatul fardowso aad ku waar taa aamiin yaa alaah ilaahow ii naxariiso hooyo waan ku jeclahay hooyo macaantoSomalia
#9 | suheeb on July 27 2009 13:16:00
I LOV YOU.hooyo macaantow hooyo sideedaa baa waa qof calool jilicsan hooyo nah xaq aad uween ayee nogoleedahay hooyo waan gujaclahay la aantaa adoonkaan maa naan imaadeen hooyo ilaaheey waxaan kaaka baryaa janadee firdoosaa inaa guwaartit ILOV YOU hooyo
#10 | mohamed sh on August 10 2009 10:45:51
i love you sosososo much mama macaantooy habeen iyo maalin baan kaa fakaraa sidee abaalkaaga u gudaa laakiin magudi karo ilaahay waaxaa kaaga baryayaa janatul fadowsa.hooyooy la aantaa waa mugdi aan waxba arkaynin .
hooyo oo dhan ilaahay janada ha ka waraabiyo aamiin.....
Post Comment
Name: (Magac)

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Latest Active Forum Threads
  Thread Views Replies Last Post
Ma is aroosnaa - Fuad Cumar
Lyrics
1070 0 Nana
27-01-2010 07:48
Mudantii Haweenkaay - Maxam...
Lyrics
840 0 Nana
27-01-2010 07:45
Naftan- Shamsa Cumar
Lyrics
391 0 Nana
27-01-2010 07:30
Naruuradee jacaylke- Lafoole
Lyrics
493 0 Nana
27-01-2010 07:29
Onkod- Cabdi Tahliil
Lyrics
311 0 Nana
27-01-2010 07:29
Qamar - Cabdi Nasir Macalin
Lyrics
522 0 Nana
27-01-2010 07:28
Qamar- Beerdilaacshe & Magool
Lyrics
288 0 Nana
27-01-2010 07:27
Qareenlaay- Lafoole
Lyrics
346 0 Nana
27-01-2010 07:26
Raaliya- Lafoole
Lyrics
234 0 Nana
27-01-2010 07:25
Taariikhdii Nimca Yaasiin C...
General Entertainment
462 0 Afaaro
26-01-2010 12:56
Ruun- Lafoole
Lyrics
252 0 Afaaro
26-01-2010 12:44
Salal- Axmed Cali Cigaal
Lyrics
514 0 Afaaro
26-01-2010 12:43
Sharacalee
Lyrics
175 0 Afaaro
26-01-2010 12:43
Shil- Jubba
Lyrics
358 0 Afaaro
26-01-2010 12:42
Sida ulaha- Lafoole
Lyrics
254 0 Afaaro
26-01-2010 12:41
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.














Random Photo






visitor stats