Username Password | Register | Lost password
Navigation
Radio
Click on a category to chose your favorite kind of radio

  • BBC Somali 04:00
  • BBC Somali 11:00
  • BBC Somali 14:00
  • BBC Somali 18:00
  • VOA 04:00 PM
  • VOA 07:00 PM
  • VOA 08:00 PM









Random media
Somali Links
African Videos10285
Banadir-city.com7769
Banadir24.com6692
Bclub19.com8042
Dayniile.com10436
Hamarey.com12361
Jowhar.com9485
Laasqoray.org4200
Markacadey.net12189
Somali Music9940
Somali411.com10107
Somalifans.net9147
Somvid.com9372
Webld.net7368
Users Online
Guests Online: 18

Members Online: 0

Total Members: 788
Newest Member: Aar






Q. 1 Sideed Caalim oon ku soo moodnay Qarnigii labaatanaad, badelkoodii ma helnay???


Qarnigii labaatanaad oo kal hore dhamaaday ayaa waxaa bilaawday
Qarni Cusub oo lagu magaacaabo Qarnigii 21 labaatanaad ama new
millennium.
Qarnigaas tagay waxaan sii sagootinay Culumo badan oo baxdoow ka
dhex noqday Dunidda muslimka .
kuwaas oo runtii aad noo soo anfacay haba kala duwanaadeen
Takhasuskooda Diinta iyo waliba meelaha ay xoogga saareyn iyo waliba
Qaaradaha ay deganaayeen.
Culumadaas waxay u qeybsamaan labo u dhalatay Wadanka
masaaridda,labo u dhalatay wadanka Sacuuudiga ,labo u dhalatay
wadanka loo yaqaan shubhu Qaaratul Hindiya oo koobaysa Hindiya iyo
Pakistaan iyo labo ayaguna u dhashay bariga Qarradda yurub.

Culumadaas haddii aan magacyadooda soo taxo waxay kala ahaayeen:

1)Shiikh Xasan Alban,naa oo masri ah.wuxuu dhashay 1906 ama 1324 H.
2)Shiikh Sayid Qudub oo asaguna masri ah,wuxuu dhashay 1906 M ama 1324 H

3)Shiikh C/aziiz Ibnu Baazi oo sacuudi ah.wuxuu dhashay 1912M ama 1330 H
4)Shiikh Maxamed Saalax ibnu Cuthaymiin oo sacuudi ah. 1929 M ama 1347 H

5) Shiikh Abuu Aclaa AL-mowduudi oo pakistaan ah. 1903 m ama 1321H

6)Shiikh Abuu Xasan AL_nadawi oo u dhashayDalka Hindiya.1913 M ama 1334 H

7)Shiikh Badiicul Zamaan AL-Nuurasi oo u dhashay dalka Turkiga.wuxuu

dhashay 1875 M ama 1293 H

8) Shiikh Maxamed Naasirul Diin ALbaanii oo u dhashay wadanka AL-baaniya.

wuxuu dhashay 1914 M ama 1333 H

Sideedaas Culumo oo kulligood Xijaabatay Allaah naxariistiisa Janno ha dabaalsiiyee ayaa ahaa kuwo Caalamka Islaamigu ay ka faa,ideysteen
Qarnigii tagay ooy ku soo moodeen, su'aasha noo taalna waxay tahay
ma jiraan Culumo noo Badashay mise waxay noqdeen kuwo Baxdoow ah
oon booskoodii la buuxinin???
Culumadaas kulligood waxay ahaayeen Rabaaniyiin oo Qarnigii
tagay ee labaatanaad Caalamka Islaamku ku soo mooday ayaga iyo kuwo kale oo fara badan.

Maa maxay Rabaaniyiin :

Culumada Salafku waxay ku sharxaan Caalimka Rabaaniga ah in uu isku
darsado in uu Cilmiga Islaamka barto,haddana ku Camal falo,haddana
uu Dadka u sii gudbiyo.Ruuxa Diinta barta se aan ku camal falin
Rabaani laguma Tilmaamo ee waa Cilmi aan anfac laheyn.
waana Cilmigii uu Nabigu Allaah ka magan galay Cilmi aan anfac laheyn.
Ruuxa cilmi barta ee haddana ku camal fala se aan dadka gaarsiin
asaguna laguma tilmaami karo Rabaani Sida Aayadda Quraanka ah ay
sheegayso:

( Allaah wuxuu Culumada farayaa in ay noqdaan Rabaaniyiin dadka
cilmiga bara , haddana ayguna barta )3:79.

Haddaba Caalimka Rabaaniga ahi waa kan seddexdaas shardiba ka soo
baxa oo asagu horta noqda mid Cilmiga barta,kuna Camal fala,haddana
dadka sii bara .
Wuxuu Allah Ruuxaas oo kale ku ammaanay Aayadaan:
( Yaa ka hadal wanaagsan Ruux Allaah dartiis dadka ugu yeera , Camal
wanaagsanna Sameeya ,haddana yiraahda waxaan ka mid ahay Ruux
Muslimiinta ka mid ah) 41:33.

Saxaabigii weynaa ee C/llaahi ibnu mascuud R.C ayaa markuu arko Arday Cilmi u soo doonta soo dhaweyn jiray asagoo ku oranaaya :
( Marxaban soo dhawaada,ilihii Xikmadooy,fayunuusihii Mugdigoow iwm.
Waxaa Caalimkii weynaa ee Sufyaan ibnu Cuyeynah la weydiiyey Sidee ku Heshay Xifdigan Xoogan?Wuxuu ku jawaabay markaan macaasidda ka
tagay.

Saxaabigii Abuu Dardaa R.C ayaa Taabiciyiintii kula dardaarmi jiray:
( Cilmiga Barta intuusan idiin baahan,dadka waxaa ugu cibaado badan
Nin Caalim ah, haddii loo baahdo cilmigiisa wax ku anfaco,haddii laga maarmana asagu isku anfaca naftiisa,Maxaayeelay ooy Culumadiinu u
tagayaan,kuwiina jaahiliinta ahna aysan wax u baraneyn).

Waxaan ku soo gabagabeynayaa horudhacaan Xadiiskii C/llaahi ibnu
Cumar uu yiri waxaan Nabiga Nnkh ka maqlay in uu yiri :
( Allaah cilmiga ma ka siibo addoomada siibitaan ee wuxuu cilmiga ku qaadaa dhimashada Culumada,ilaa uusan soo harin Ruux Caalim ah
waxay dadku sameystaan madax jaahiliin ah, markaas ayey wax
weydiiyaan, waxayna u fidyoodaan cilmi la,aan weyna lumaan weyna
lumiyaan) Saxiixul Bukhaari.

Allaah naxariistiisa uu noogu deeqay waxaa ka mid ah in uu Culumadaas
oo idil marka laga reebo Shiikh Xasan Alban,naa , uu Allaah siiyey Cimri
dheer ooy jiilal badan ugu faa,ideyaan.
Haddana Akhristoow aan isku dayo in aan taariikh kooban ka bixiyo mid
kastooo Culumadaas ka mid ah anigoo u kala hormarsiinaya sida ay u
kala horeeyaan.

waa inoo Toddobaadka danbe iyo Taariikhdii koobneyd ee culumadaas.



fii amaani laah

Sheikh sahid mohamed yusuf

sahid_yusuf@yahoo.com

VA,USA.
Posted by Banadir-Media on July 01 2009 19:08:10 · 0 Comments · 507 Reads · Print
Comments
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
Post Comment
Name: (Magac)

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Latest Active Forum Threads
  Thread Views Replies Last Post
Qiso Layaab Leh oo dhex mar...
General Discussions
579 0 Nana
10-03-2010 11:45
Girl Makes Herself a Birthd...
Women's issue
590 0 Nana
28-02-2010 18:46
Sclub19.com - Somali Music
Music
12942 6 Afaaro
20-02-2010 09:37
La dabaalo caashaqa
Lyrics
958 0 Afaaro
20-02-2010 09:35
Ladan- Lafoole
Lyrics
579 0 Afaaro
20-02-2010 09:33
Libta - Lafoole
Lyrics
595 0 Afaaro
20-02-2010 09:30
Liibaan- Lafoole
Lyrics
438 0 Afaaro
20-02-2010 09:27
Ma is aroosnaa - Fuad Cumar
Lyrics
2431 0 Nana
27-01-2010 07:48
Mudantii Haweenkaay - Maxam...
Lyrics
2066 0 Nana
27-01-2010 07:45
Naftan- Shamsa Cumar
Lyrics
1388 0 Nana
27-01-2010 07:30
Naruuradee jacaylke- Lafoole
Lyrics
1471 0 Nana
27-01-2010 07:29
Onkod- Cabdi Tahliil
Lyrics
1381 0 Nana
27-01-2010 07:29
Qamar - Cabdi Nasir Macalin
Lyrics
1644 0 Nana
27-01-2010 07:28
Qamar- Beerdilaacshe & Magool
Lyrics
1454 0 Nana
27-01-2010 07:27
Qareenlaay- Lafoole
Lyrics
1115 0 Nana
27-01-2010 07:26
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.














Random Photo






visitor stats