Username Password | Register | Lost password
Navigation
Radio
Click on a category to chose your favorite kind of radio

  • BBC Somali 04:00
  • BBC Somali 11:00
  • BBC Somali 14:00
  • BBC Somali 18:00
  • VOA 04:00 PM
  • VOA 07:00 PM
  • VOA 08:00 PM









Random media
Somali Links
African Videos10326
Banadir-city.com7789
Banadir24.com6707
Bclub19.com8073
Dayniile.com10457
Hamarey.com12386
Jowhar.com9510
Laasqoray.org4218
Markacadey.net12219
Somali Music9973
Somali411.com10122
Somalifans.net9164
Somvid.com9387
Webld.net7383
Users Online
Guests Online: 24

Members Online: 0

Total Members: 788
Newest Member: Aar






Munaasabada 1-da Luulyo oo xalay si aan ballaarneyn looga xusay Magaalada Muqdisho
Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo ku beegan xornimo-qaadashadii Gobollada Koofureed ee Soomaaliya iyo Midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koofur ayaa waxaa xalay laga xusay Magaalada Muqdisho, inkastoo maamuuska xalay loo sameeyay uu ahaa mid aan aad u ballaarneyn.

Wasiirro, Xildhibaano, Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil Ciidan oo ay wehlinayeen dadweyne aad badneyn oo kala yimid degmooyinka Xamar-weyne iyo Xamar Jajab ayaa xalay isugu tegay Xarunta Gobolka Banaadir, iyadoo halkaasina ay hadallo ka jeediyeen qaar ka mid ah mas’uuliyiintii Dowladda ee halkaas isugu tegay.

Xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxay ahayd mid ammaankeeda si weyn loo adkeeyay, waxaana xaafadaha u dhow ay ahaayeen kuwo laga joojiyay dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka.

Mas’uuliyiintii ka hadlay xuska loo sameynayay 1-da Luulyo waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, Wasiirradda Horumarinta Reer Miyiga Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo uu Jen. Cabdi Qeybdiid ku dhawaaqay in uu yahay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Waxay ku dheeraadeen mas’uuliyiintaas dhamaantood qiimaha ay leedahay maalinta 1-da Luulyo iyo halgankii loo soo maray xornimada Soomaaliya 49 sano ka hor. Laakin Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in munaasabadda 1-da Luulyo loo xuso si aad u hooseysa.

Sidoo kalena Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa isna ka hadlay munaasabadda, wuxuuna sheegay in ay wax lagu farxo tahay in la xuso maalintii ay sida buuxda u xoroobeen dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in umad walba oo dunida ku nool ay leedahay maalmo ay weyneyso oo xusuus gaar ah u leh.

Ugu dambeyntiina, waxaa 12-kii habeennimo ee xalay la saaray Calanka Soomaaliya, iyadoo ay astaanta Muusikada Calanka Soomaaliyeed ay garacayeen Kooxda Baambeyda,waxayna xafladdaas ku soo gebagebowday si nabadgelyo ah.


Redwan on July 01 2009 17:50:12 · 0 Comments · 500 Reads · Print
Comments
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
Post Comment
Name: (Magac)

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Latest Active Forum Threads
  Thread Views Replies Last Post
Qiso Layaab Leh oo dhex mar...
General Discussions
641 0 Nana
10-03-2010 11:45
Girl Makes Herself a Birthd...
Women's issue
626 0 Nana
28-02-2010 18:46
Sclub19.com - Somali Music
Music
13007 6 Afaaro
20-02-2010 09:37
La dabaalo caashaqa
Lyrics
998 0 Afaaro
20-02-2010 09:35
Ladan- Lafoole
Lyrics
595 0 Afaaro
20-02-2010 09:33
Libta - Lafoole
Lyrics
626 0 Afaaro
20-02-2010 09:30
Liibaan- Lafoole
Lyrics
448 0 Afaaro
20-02-2010 09:27
Ma is aroosnaa - Fuad Cumar
Lyrics
2474 0 Nana
27-01-2010 07:48
Mudantii Haweenkaay - Maxam...
Lyrics
2074 0 Nana
27-01-2010 07:45
Naftan- Shamsa Cumar
Lyrics
1425 0 Nana
27-01-2010 07:30
Naruuradee jacaylke- Lafoole
Lyrics
1494 0 Nana
27-01-2010 07:29
Onkod- Cabdi Tahliil
Lyrics
1415 0 Nana
27-01-2010 07:29
Qamar - Cabdi Nasir Macalin
Lyrics
1660 0 Nana
27-01-2010 07:28
Qamar- Beerdilaacshe & Magool
Lyrics
1501 0 Nana
27-01-2010 07:27
Qareenlaay- Lafoole
Lyrics
1127 0 Nana
27-01-2010 07:26
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.














Random Photo






visitor stats